Sawirkas Waxan qaaday sadex bilod kahor. Wakhtiga aan qaadayna wuxu ahaa 4:00 am subaxnimo. Hurdo xumi habeenkas iguma horaynin lakin waa dagaal aan waligay ku jiray intan America imadayba.
Yaraantaydi ilaa hada waxan ka cabsi qabay hurdada madama aan cabsi ku koray, wax walba oo mugdi ah iyo kalinimo waan ka cabsan jiray. Kalsooni haba sheegin, aqoon iyo diina si fiican uma aqanin markan yara. Habeenki marka sexanayo hadu walalkeyga iga weyn guriga ila jiifin waan so jeedi jiray ilaa uu asiga ka imado.
Hal marna niyadeyda kuma soo dhicin in aan malin maalmaha ka mid ah so qori doono taarikhdeyda ano ka hadli doono dhibatoyinkeyga hurdo.
Qof walba ma maro dhibatoyinka dadka kale ay so maraan lakin dad waxa jira an isku dhibato aan nahay lakin aan haysan ama aan maqlin qof ka hadla dhibatoyinkas. Sidas darted waxan u sameeya videoskan Hanad kii yaraa oo aan haysnin qof u caqli celiya.
Inta badan waxa lagayaba inad dhib ku jirtid lakin aadan haysan awooda aadan qof kale kula wadaagto. Hadad is leedahay waxa raba inan dad waxa la wadaago Please Xagan hoose ku so qor.
Maxa ii diidna Hurdada Marka ?
Inta aqonteyda aan hada bartay hadan isku qiimeyo waxan dhihi kara waa dhowr shay…
Aqoon la’an oo aanan si fican u baran Allah ( ducoyin iyo Talo saarashoba)
PTSD ( Post Traumatic Stress Disorder)
Anxiety
Waxas oo mowduuc hadan dhaho waan sharxi waxay igu qaadan wakhti, Inshalah waxan ooga hadli doona maalin kale, madama hada focus oo yahay 6:00 am Routine, lakin hadad is leedahay dhibkan waan kula wadaga fadlan email iso dir si aan oga wada hadalno. Aniga khabiir mihi lakin waxa lagayaba aqoonta adiga kugu jirto inaysan aniga igu jirin, oo marka aan kala fa’ideysano.
Hada Xage Xaladeyda Mareysa Markan go’ansaday inan kaco 6:00 ?
In badan waxan isku dayay inan wax kabadalo hurdadeyda lakin waan ku fashilmaday marwalba ano isku dayayo inan awoodeyda isticmalo. Wax walba waan sameyay haday ahaato kiniin iyo waxyabo kaleba.
Waxan go’ansaday lakin labodi isbuuc ee laso dhaafay inan go’an adag qaato inan kaco 6:30 subax walba.
Maxa is badaly marka ? Wax badan runti.
Markan waxan talo saartay Allah ano Hadafkeyga kowad uu yahay salada Subax.
Waxan kalo go’ansaday inan Shower Qabow Qaato Subax walba anoo xita neceb biyaha qabow.
Run ahanti Fa’aidoyinka aan arkay labadi isbuuc ee laso dhafay horta lama so koobi karo, Lakin waxa kalo laso koobi karin Xanuunka ama ( Discomfort) lasocda inad so kacdid 6:00 Am subax walba. Waxay danta kugu qasbeysa inan iska dayso waxyabo badan aad u haysatay inay bashal yihiin.
Waxyabaha aan sameyay inan Dhaqso seexdo Dhaqsana so Kaco.
Ducada oo an Badiyo. Isku day inad ku duceysato Ducadan
اللّهُـمَّ إِنِّي أَعْوذُ بِكَ مِنَ الهَـمِّ وَ الْحُـزْنِ، والعًجْـزِ والكَسَلِ والبُخْـلِ والجُـبْنِ، وضَلْـعِ الـدَّيْنِ وغَلَبَـةِ الرِّجال.
Wakhti inad sameysato oo adan kadaba marin. Tusaale waxad dhahday waxan seexay 11:00 pm waxana soo Kici 6:00 am. Same hana kadaba marin.
Adkaaru sabax wal masa. Ama Ducuyinka subaxi iyo Habeenki.
Go’an iyo Dadaal.
Waxan rajeynaya hadu dhibkan ku haysto inu Allah ku fududeyo hadusana ku haysan inu Allah ku barakeyo.
Waxan sameyn doono Update oo ku saabsan Mowduucan Inshalah.
Khayr Ayan ku Rajeynaya 😊.
well said.
HANAD SHB ILLAAHAY HAKU XIFDIYO