Maalmahan dhan waxan ka sheykeynayay wakhtiga, nolasha, hadaf iyo guud ahaan ka faa’iidaynta fursada nolasha. Sababta oo ah in Labadi isbuuc ee laso dhaafayay aya maskaxdeyda ka dhex guuxayeen sualo ku saabsan mowduucyadas. Sidee looga faa’iideysta wakhtiga ? Sidee loo hormara? Sidee loo same hadaf aad weyn? iyo wixii lamid ah.
Marki hore qoraaladan waxan u qori jiray, in aan nolasheyda hormarkeda duubo ama aan dadka lasocodsiiyo socdalka nolasheyda, Lakin hada fikirkeyga waan badalay. Hada waxan aad u xiiseynaya ama aan qoraaladan uso qoraya in qaladadkey nolaled aan wax idin kabaro, si aadan idinku ugu dhicin qaladkan sameyay.
Isbuucan Waxan ka hadli doona muhiimada wakhtiga iyo hadad ka faa’iiday san weydo burburka weyn ee kaaga iman kara nolasha.
Marka Hore taarikhdeyda aan ka bilaabo.
Xagen Ku Bixiyay Wakhtigeyga Da’da 17 - 22 ?
Wadanka markan imaday waxan ahaa 17 hadana waxan ahay 24. subhanalah wakhtiga aad buu u ordaya. Labadi sano ee igu horeysay waxan dhiganayay Highschool ama dugsi sare saad u taqaanid. Waxan isku dayayay inan fahmo dhaqanka America. Aas aaskeyga ma dhisneyn. Manan aheen qof Dicipline ah oo nolasha serious ah. Waxan iskala saaxibay dhalinyaro iska caadi ah oo aan isla ciyaarno kubad ama Video games ( FIFA).




Waxba ma qabsan labadas sanno, Waxan aan is dhihi karo heer baan ka gaadhay wuxu ahaa inan ka qalin jabiyo Highschoolka.
Waxan aad u xiiseynayay inan gabdho iska shukaansado ama iskala hadlo anoo wax dan ah aan ka laheen gabdhahas. Si walba aan wakhti u limin karay waan u lumiyay.
Maxan ku bixyay wakhti inta badan labada sanno iyo maxad iga baran karta ?
Kubad, Shopping, Games, shaqo gambis…..
Wax walba aan sameynayay waxan u sameynayay cabsi. Maxan kawada? Wax walba waxan u sameynayay inan aan la iso xasusinin waxan ahay iyo dhibkan nolasha soo maray. Qof walba aa la saaxibayay waxan ula saaxibayay si aan isku ilowsiino masuuliyada nolasha.
Haa waa run ma haysanin qof i haga nolasha Waana arin muhiim ah. Ma ogeen inan nolasheyda aan Hormarin karo ama aan noqon karo qof wax tar leh.
Cashirka kowad aad iga baran karto ama aan Jeclan laha inan sameeyo wakhtigas, aya aha inan masuuliyad badan qaado. Maxan kawada?
Waxad ka cabsaneysid inad maalin walba sameyso. Wax walba oo aad ogtahay inay nolasha ku hormar karto.
Dhaqso inan kaco, oo Salada subax si dhab ah u tukado, Hadaf weyn inan sameysto si aad ugu shaqeyso hadafkas nolaled maalin walba.
Qofkan la saaxibayo inan si fican ooga fiirsatid. Waa arinta ugu muhiimsan aad nolasha baran karto inadan la saaxibin qof ka liita. Saaxibka wuxu yahay unbad tahay. Runti ka fiirso qofkad ka la saaxibeyso nolashada, waxa ku qabsam kara waxa weyn markad saaxib fiican leedahay oo nolasha horay usocda.
Da’deyda lag bilaabo 22 - 24.
Nolasheyda dhan kuma soo kobi karo hal article, lakin waxan isku dayaya ina wax kaga taabto.
Labadi sanno ee ugu danbeysay Waxan aad ku dadaala inan wakhtigeyga ka faa’iideysto ano isku dayayo inan Waxan qaban laha isbuuc walba sii qorsheysto.
Wali si fiican ulama keynin wakhtiga inan ka faa’’iideysto waa dagaal Joogta ah lakin waxa balan ah inan is dhiibaynin.
Marka adna waxan kaa raba inan dagalka ila soo gashid oo aad noqotid qof wax tar leh noalshan. Ogow hal fursad bas baad haysasta nolashan.
3 Waxyabod oo hada iga Caawiya wakhtiga.
1- Setting Scary Goals ( Hadaf aan ooga cabsado inan sameysto)
2- Thinking about death all the time ( Ka fikirka dhimasho marwalba )
3- Dying not Knowing my Potential ( Inan dhinto ano ogeen Wax qabadkeyga)
Maxan marka Wakhtiga ooga hadleyna ama ooga faa’’deysaneyna ?
Qofna Lugtisa maalinka qiyaamada ma dhaqaqeyso ilaa la weydiiyo wakhtiga nolashisa wuxu ku bixiyay gaar ahan wakhtiga dhalinyarnimda.
لا تَزُولُ قَدَمَا عَبْدٍ يَومَ القِيَامَةِ حَتَّى يُسْأَلَ عَنْ عُمُرِهِ فِيمَ أَفْنَاهُ؟ وَعَنْ عِلْمِهِ فِيمَ فَعَلَ فِيهِ؟ وَعَنْ مَالِهِ مِنْ أَيْنَ اكْتَسَبَهُ؟ وفِيمَ أَنْفَقَهُ؟ وَعَنْ جِسْمِهِ فِيمَ أَبْلَاهُ؟
Waa hadith kamid hadithka Rasuulka hadadan waliga maqlin. Waa hadithyada iga cabsiiya.
Imagine adoo Allah hor istaagay oo uu Allah ku weydiinayo maalin walba waxad qabatay nolasha. Ka fakir.
mhdsnid wllkey wax bdn ban kaa faiday