Waa sanadki igu horeysay aan dhihi karo ano saxib la’an ah ayan galaya 2024. Saxibki igu danbeyay ee nolasha i baray sida lo hormaro iyo sida Youtube lo bialabo i baray waxan go’ansaday inan ka goosto bishan hada ugu danbeysay ee 2023.
Intan caqliyeystay waxan waligay isku dayi jiray inan helo saxib aan ku daydo ama kor ii qaado. Nolashayda oo dhan waxay ku salaysneyd saxibo. Wax walba waxan ka jecla asxabteyda. Qof walbana wuu so maray marku yara inu saxibadis aad u qiimeyo, wiil iyo gabadhba.
Marka yarantena, saxibtinimada inta badan hadaf malaha, kumana salaysna qiimo gaar ah oo aan arki karno. Qof walba marku yaryahay wuxu qiimeynaya inta bashalka ama wehelka uu ka helayo saxibtinimadas.
Asxabtada dadka dhan iyaga aya kaga dhow. Gaar ahaan kuwa aadka kugu dhow. Qofkad saxibka latahay Wax bad isla cuntan, meel bad isku raacdan, sirta ayad isku qarstan iyo waxyabo kale oo aad u badan.
Marka saxibka saameynta uu kugu leeyahay wey weyntahay, lakin marka aad yartahay sameyntas aad ogama fakirno madama uu caqligena uu wali yaryahay, mana dareemi kartid saameyntas.
Gorma aya la darema sameynta saxibka ?
Maalinka aad joojiso xumaan aad la waday saxibka ama aad bilowdo nolashada inad kor u qaadid waa malinka aad kala ogaan doontid saxibki fiicna iyo kii xuma.



Nolasha marwalba waxay ku marin marxalado kala duwan, taas ay kugu qasbeyso inad sameysatid saxib cusub, markad marxalad walba oo cusub gasho.
Lakin dhibka ani ihaystay ama dhalinyarada badankod haysta ayaa ah in aan ku dhagno saxibo aan meel no wadin oo marxalado hore isla so marnay.
Tusale, ani waxan saxib la ahaa dhalinyaro aan Dugsi sare is laso dhameynay ano Heer Jaamacad ku jiro. Waxyabaha ay qabanayeen iyo ani waxan qabanyay runti way kala duwanayen. Hada markan runti so xasuusto waan isla yaaba, ano heer Jamacad ku jira wali lakin saxib lasi ah dhalinyaro iga yar da’a ahaa.
Markad Nolol Cusub Gasho Saxib Cusub ku sii tala Gal.
Runti aad ayay u adegtahay saxibada inad hal mar ka harto. Anigaba wey igu adkeyd inan ka tago saxibo qaar madama aan aad isku dhex galnay oo aan si fican isku aaminay.
Lakin, xaqiiqda Jirta ayaa waxay tahay Hadad rabtid inad nolasha horay u socotid waxad u bahantahay inad isku harereysid dadka waxad qabaneysid, ama hormarkad raadineysid kula raadinaya.
Hadi kale, waxay ku nolan riyo aadan waliga gaadhi doonin. Waxad rabta inad is badasho lakin ma rabtid asxabtada inad ka hadho, madama waxa lagayaba inay wax ka shegan ama aad bashal weydo.
Side loo sameysta Saxib fican ?
Marka hore niyada waxad ka saarta wax la dhaho “ Best Friend”. Ani ahaantay ma aaminsani “Best Friend”.
Marwalba oo aad u baahnatahay nolasha inad wax xaqiijiso ama aad heer gaarto waxad u bahantahay saxib waxad sameyneyso kula sameynaya ama wax kale oo aan macquul ahayn rabo inu xaqiijiyo, Sababta oo ah, saxibka noocas oo kale wuxu kuu horseedi inad qasab isku badasho, hadad is badal weydana inuu cidlo kaga tagi doono.
Sidas darted “Best Friend” inta badan lagma yaabo inuu ku noqdo qofkas, hadad nasiib badantahay ma sheegin.
3 Ku Dooro Saxibka Fiican.
Qof “ Obsess” ku ah inuu nolasha wax ka xaqijiyo inta usan dhiman, wuxu doono ha noqdo.
Qof “ Open Minded” ah oo diyaar u ah inuu maskaxdisa furo oo uu kobco.
Qof “ Akhirada ka fikira marwalba” oo u shaqeysanyaya safarka dheer ee sugaya.
Ani ahaantay waxan saxib fican u noqday qof kale, markay arkeen sida aan ugu waalanahay Quranka, inan hormar jeclahay iyo waxyabo kale. Saxib hadad leedahay ku waalan ama aad u jecel wuxu qabto wuu kaga duwanyahay asxabta kale.
Awesome 👌
What can you say someone who is seeking success and what's to be your friend?